Posts

Showing posts from November, 2018

Sheekh Cumar Al faaruuq waa kuma Ogow Maanta

Ilaahay Naxariistii Jano haka waraabiyee Shiikh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi Suldaan Xaaji Maxamuud, maanta ayuu ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Maka Al-Mukarama ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga. Geerida Sheekha waxaa BBC u xaqiijiyay wiilkiisa Maxamed Xadiis Sheekh Cumar Faaruuq oo dalka Jabuuti Jooga. Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu ku dhashay sida afkiisa laga hayo 1949-kii waxa uuna ku dhashay tuulada Carmaale oo ku dhow magaalada Qalaafe ee ismaamulka Soomalida ee dalka Itoobiya, Abiihiisa Xaaji Cabdi Suldaan Xaaji Maxamuud waxa uu dhintay isaga 3-jir ah, hooyadiis Caasho Sheekh axmed Guurena waxay xijaabatay markuu shan sano jiray, qur'aanka waxuu dhameeyey oo uu xafiday todobo jirkiisii. Inta badan waxa uu kutubada ka raacday walaalkiis Sheekh Shaafici Xaaji Cabdi Suldaan, oo cilmiga naxwaha si weyn u baray. Naxariistii Jano alle haka waraabiyee Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu ka soo jeeda qoys culimo ah, Meelaha uu cilmiga ka raacday Shiikha waxaa ka mid ahaa Masjidka