Sheekh Cumar Al faaruuq waa kuma Ogow Maanta

Ilaahay Naxariistii Jano haka waraabiyee Shiikh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi Suldaan Xaaji Maxamuud, maanta ayuu ku geeriyooday magaalada barakaysan ee Maka Al-Mukarama ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Geerida Sheekha waxaa BBC u xaqiijiyay wiilkiisa Maxamed Xadiis Sheekh Cumar Faaruuq oo dalka Jabuuti Jooga.

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu ku dhashay sida afkiisa laga hayo 1949-kii waxa uuna ku dhashay tuulada Carmaale oo ku dhow magaalada Qalaafe ee ismaamulka Soomalida ee dalka Itoobiya, Abiihiisa Xaaji Cabdi Suldaan Xaaji Maxamuud waxa uu dhintay isaga 3-jir ah, hooyadiis Caasho Sheekh axmed Guurena waxay xijaabatay markuu shan sano jiray, qur'aanka waxuu dhameeyey oo uu xafiday todobo jirkiisii.

Inta badan waxa uu kutubada ka raacday walaalkiis Sheekh Shaafici Xaaji Cabdi Suldaan, oo cilmiga naxwaha si weyn u baray.

Naxariistii Jano alle haka waraabiyee Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu ka soo jeeda qoys culimo ah, Meelaha uu cilmiga ka raacday Shiikha waxaa ka mid ahaa Masjidka Marwaas ee Magaalada Muqdisho oo isagoo xeroow ah uu lixdameeyadii yimid kana raacday kutubta, Shuyuuqdii soo waxbartayna waxa ka mid ahaa Sheekh Ibraahim Suuleey, iyo sheekh Cabdikariim Sheekh Khaliif oo isagana tafsiirka uu ka bartay.

Shiikh Cumar faaruuq inkastoo uu diinta guud ahaa si weyn u yaqiinay, hadana waxuu ku caan baxay tafsiirka qur'aanka kariimka, waxuuna ahaa sheekhii ugu horeeyey ee taariiqda soomaalida ee cod ahaa tafsiirka cajalado ugu duubay sanadkii 1982-oo safaarada soomalida ee dalka Sacuudiga uu ku qabtay album-kii ugu horeeyey, oo tarjumada qur'aanka kariimka ahaa, sida uu ii sheegay.

Misaajidii uu tafsiirka sida weyn uga aqrin jiray sheekha waxa ka mid ahaa Misaajidka Ibraahim uunlaaye ee xaafada wadajir ee magaalada Moqdisho, waxaana sheekha la sheegaa in culimada kale ee Soomalida uga duwanaa xaga tafsiirka qur'aanka isagaa ahaa nin afsoomaliga aad u yaqaanay, balaaqo ama hadal deeqsiintiisuna ay ahayd mid soo jiidasho leh, ama wax fahamsiinta aad ugu fiicnaa, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa kumanaan cajalado ah, oo Soomaali badan oon waligood shiikha arkin ay hadana cilmiga tafsiirka ka barteen maqal ahaan cajaladdaasi, kuwaasoo ku taxnaa cajaladaha misaajidda laga shido.

Waxaa kaloo jira cajalado uu sheekhu kaga hadlay cilmiga axaadiista,fiqiga,iyo naxwaha oo iyagana afsoomali ku duuban.

Sheekha oo mudadan dambe ku noolaa dalka Sacuudiga waxa uu ka baxay jaamacada madiina al Munawara gaar ahaan kuliyada dacwada, ama daacinimada,waxaana Cumar faaruuq lagu tilmaamaa inuu ahaa Caalim qur'aanka aad u yaqaanay tafsiikiisa, shareecada islaamkana meel fog ka gaaray.

Xertii ka aflaxday aqoonta iyo mowlacyada sheekh Cumar Faaruuq waxaa ka mid ahaa Shiikh Nuur Baaruud oo iiga waramay aqoonti shaqsiyan uu u lahaa Marxuumka.

Sheekh Cumar Faaruuq xaaji Cabdi Suldaan waxuu ifka kaga tagay afar xaas iyo 15 caruur ah.

Waxaa hubaal ah in maanta dadka soomaliyeed uu ka baxay ama ka dhintay shaqsi mug iyo miisaan culus ku lahaa masraxa culimada Soomaliyeed, shaqsi meel weyn kaga jiray mansabka towxiidka Soomalida, mudo badan shiikhu waxuu ahaan doonaa mid laga tabo, misaajidyada iyo meel walbo oo dacwada ilaahay lagu xuso.

Ilaahay qabriga ha u waasiciyo, Sheekh Cumar faaruuq Xaaji Cabdi suldaan Intuu ka tagay Alle ha u booga dhayo.www.instagram.com/mo_abdullaahi

Comments

Popular posts from this blog

Mohamed salah video live🔴

How to Verified Facebook Account

Taariikhda Dalka Jarmalka

Mohamed salah part three live😜

Mohamed salah part two live🔴